
Muqdisho (RH)-Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka furmay shirka madaxda wadatashiga qaran, waxaana ka maqan shirka madaxda maamullada Puntland iyo Khaatuma, in kastoo uu joogo hoggaamiyaha maamulka SSC Khaaumo Cabdiqaadir Firdhiye.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre, madaxda maamullada Koonfur Galbeed, HirShabeelle, Galmudug, duqa casimadda iyo ra'iisal wasaare ku xigeenka ayaa shirka ku sugan.
Shirka ayaa lagu wadaa in looga hadlo arrimaha ammaanka, siyaasadda gaar ahaan doorashooyinka qof iyo cod ee ka dhacaya dalka.

Radio Hormuud
Studio 3
Mogadishu Somalia