SAWIRRO: Shirka wadatashiga oo Muqdisho ka furmay iyadoo Puntland iyo Jubbaland ay maqan yihiin

Muqdisho (RH)-Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka furmay shirka madaxda wadatashiga qaran, waxaana ka maqan shirka madaxda maamullada Puntland iyo Khaatuma, in kastoo uu joogo hoggaamiyaha maamulka SSC Khaaumo Cabdiqaadir Firdhiye.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre, madaxda maamullada Koonfur Galbeed, HirShabeelle, Galmudug, duqa casimadda iyo ra'iisal wasaare ku xigeenka ayaa shirka ku sugan.

Shirka ayaa lagu wadaa in looga hadlo arrimaha ammaanka, siyaasadda gaar ahaan doorashooyinka qof iyo cod ee ka dhacaya dalka.

Shirka wadatashiga oo Muqdisho ka furmay

Radio Hormuud 

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category