
Brussels (RH ):Midowga Yurub (EU) ayaa ku dhawaaqay liis cusub oo ka kooban toddobo dal oo loo aqoonsaday inay yihiin wadamo amaan ah, si loogu dedejiyo howlaha la xiriira codsiyada magangelyo-doon.
Komishineerka EU-da u qaabilsan arrimaha socdaalka, Magnus Brunner, ayaa sheegay in wadamo badan oo xubno ka ah EU ay la daalaa dhacayaan dib-u-dhac ballaaran oo ku yimid go’aan ka gaarista codsiyada magangelyo-doonka. Sidaas darteed, liiskan cusub wuxuu ka caawinayaa in go’aamada si dhakhso ah loo gaaro.
Wadamada loo aqoonsaday inay yihiin amaan:
Kosovo
Colombia
Morocco
Tunisia
Masar (Egypt)
Bangladesh
Hindiya (India)
Qofka ka yimaada mid ka mid ah wadamadaas oo magangelyo ka dalbada dal EU ah, waxaa lagu mari doonaa nidaam degdeg ah oo lagu dhammaynayo kiiska saddex bilood gudahood.
Wakiil ka tirsan EU-da ayaa yiri:
“Haddii kiis magangelyo caadi ah uu qaadan jiray lix bilood, hadda waxaa la doonayaa in lagu soo afjaro saddex bilood, maadaama la rumeysan yahay in qofka ka yimid wadan amaan ah uusan u baahnayn magangelyo.”
Si kastaba ha ahaatee, magangelyo-doonka waxaa weli loo sameyn doonaa qiimeyn shaqsiyeed, mana la diidi karo codsigooda si toos ah iyadoo la eegayo keliya wadanka ay ka yimaadeen. Qof walba wuxuu xaq u leeyahay inuu racfaan ka qaato haddii la diido.
Sidoo kale, dal walba oo EU-da ka tirsan wuxuu sii yeelan karaa liis gaar ah oo u gaar ah oo dalal kale loogu aqoonsado inay yihiin “amaansan”. Labada liis — midka EU-da iyo midka qaran — waxay u wada shaqayn karaan si isku dhaf ah.
Waxaa xusid mudan in Denmark aysan si buuxda uga qeybgalin qorshahan, sababtuna waa xeer hoosaadkeed gaarka uleedahay heshiisyada cadaaladda ee EU-da. Laakiin wali lama caddeyn in Denmark ay liiskan cusub adeegsan doonto.
Qorshahan cusub wuxuu u baahan yahay in la ansixiyo ka hor inta uusan dhaqan galin — waana in ay oggolaadaan dowladaha xubnaha ka ah EU-da iyo Baarlamaanka Yurub.
Kolding, Denmark